Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay in dalkiisa uu Soomaaliya ka bilaabay dhisidda xarun hawada sare

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay in dalkiisa uu Soomaaliya ka bilaabay dhisidda xarun hawada sare

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaciyay in dalkiisu uu Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare (Spaceport), taas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal iyo qorshaha Turkiga uu ku doonayo inuu ku ballaariyo awooddiisa dhinaca hawada sare.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa arrintan ku dhawaaqay Isniintii, xilli uu ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Arrimaha Hawada Sare (IAC 2026) oo ka dhacay magaalada Antalya.

Mashruucan oo diiradda lagu saarayo horumarinta tiknoolajiyadda hawada sare, dayax-gacmeedyada iyo adeegyada la xiriira hawlaha hawada sare ayaa Soomaaliya loo doortay goobta xarunta, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay goobteeda juqraafiyeed u leedahay qorshayaasha Turkiga ee dhinaca hawada sare.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay barnaamijka qaran hawada sare ee Turkiga, kaas oo uu Turkigu ku doonayo inuu ku horumariyo awooddiisa madax-bannaan ee hawada sare iyo hawlaha la xiriira dayax-gacmeedyada.

Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo Soomaaliya ku tilmaamay dal saaxiib iyo walaal ah, isla markaana sheegay in iskaashiga labada dal uu sii ballaaranayo, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda iyo horumarinta awoodaha hawada sare.

Si kastaba ha ahaatee, haddii mashruucan la hirgeliyo, wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad ay door uga qaadato hawlaha hawada sare ee qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale xoojin kara iskaashiga farsamo iyo cilmiyeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.