Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay waxyaabaha dib u dhigay nolosha shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka ay maleegaan  Al-shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooduba ay maanta ugu taagan yihiin inay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa inuu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al-shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax kusoo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh