Wariye Cumar Seerbiya oo lagu xiray garoonka diyaadaha magaalada Hargeysa

Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ayaa la sheegayaa in garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ay ku xireen Cumar Xasan Cali (Cumar Seerbiya) oo maanta kasoo dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Cumar Seerbiya oo ka mid ah wariyeyaasha kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeysay ka howl-galayay magaalada Muqdisho, isagoona halkaasi ka tabin jiray arrimaha Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee ka baxa Teleefishanka Astaan TV.

Inkastoo wariye Seerbiya uusan wax siyaasad ah ku lug leheyn ayaa hadana loo maleynayaa in loo heysto sawiro uu la galay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha ay bulshada ku xiriirto ayaa la arkayay ciidamo ka tirsan booliska Somaliland oo dhinacyada ka socda wariye Seerbiya.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Somaliland garoonka Cigaal ku xiraan wariye Cumar Seerbiya, waxaana dhowr sano kahor sidaan oo kale loogu xiray halkaasi, inkastoo markii dambe lasii daayay.