Howlgal lagu soo qabtay hub iyo raggii watay oo ka dhacay duuleedka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska ee DANAB iyo kuwa Nabad-sugidda Jubbaland ay si wadajir ah howlgal uga sameeyeen duuleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkaasi oo ahaa mid lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq Dabeyl iyo Barjalla oo ku yaalla gobolka J/hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gebi ahaan burburiyeen xarumo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada kor ku xusan, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen 4 xubnood iyo hubkii ay isticmaalayeen.

Sidoo kale, saraakiishaasi ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen labo xubnood oo katirsan dagaalyahanadda Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen hub ay ku jiraan waxyaabaha ay Al-shabaab u isticmaalaan qaraxyadda.

Si kastaba ha ahaatee, ciidanka kumaandooska ee DANAB iyo kuwa Nabad-sugiddda Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay howlgallada ay ka fulinayaan deegaanada ku yaalla gobolka J/hoose, halkaas oo mararka qaar ay dagaalyahanadda Al-shabaab ka fulliyaan weeraro qorsheysan.