Natiijo kasoo baxday guddigii loo xil-saaray baaritaanka weerar ka dhacay Gaalkacyo

Guddi ka kooban 6 xubnood ee dhawaan loo xil saaray baaritaanka weerarkii ay ciidamada Puntland ku qaadeen hoyga Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo ayaa natiijo kasoo saaray, iyadoona goobta la weeraray xilligaasi uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Guddiga ayaa u gudbiyay xukuumadda madaxweyne Saciid C/laahi Deni natiijada kasoo baxday baaritaankoodii, iyagoona soo bandhigay qasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo cidda mas’uuliyadeeda laheyd.

Waxay sheegeen in weerarkaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka PSF ee goobta illaalinayay, halka ay ku dhaawacmeen Nabadoon Yaasiin Cabdisamad, Taliye ku xigeenka qeybta booliiska gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) iyo askari kale oo ka tirsan ciidanka PSF-ta.

Xubnaha Guddiga ayaa ku talliyay in xukuumadda Puntland ay bixiso qasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, islamarkaana raalli-gelin siiso dadkii ay waxyeeladu gaartay.

Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dhibaatadii halkaas ka dhacday ay mas’uul ka yihiin, Taliye ku xigeenka qeybta booliiska gobolka Mudug ee dhaawacan G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac Koomaad iyo Taliyaha saldhiga Siinaay ee magaalada Gaalkacyo Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda madaxweyne Saciid C/laahi Deni ayaa haatan laga sugayaa jawaabta natiijada kasoo baxday baaritaanka weerarkaasi iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen.