Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qeyb-galay tukashada salaadda ciiddul Adxa ayaa shacabka u jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wadajirka iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa khudbadiisa ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay carqalad ku sameeysay dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa.

Wuxuu madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay dowladda Sucuudiga in Somaliland loo madax banaaneeyo arrimaha la xiriira xujaydeeda, islamarkaana cibaadada laga daayo siyaasadda.

Somaliland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeysay inay siyaasadeysay qeybsiga xujeyda sanadkaan, islamarkaana dowladda ay caqabad ku noqtay dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, in kastoo dowladda ay beenisay arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkan xujeydii Somaliland ka bixi lahayd ayaa ka baxay magaalooyinka Garoowe iyo Jigjiga, kadib markii Somaliland ay diiday inay wax xujey ah ay ka baxaan deegaanadeeda, iyagoo u sababaynaya in arrintaasi la siyaasadeeyay.