Ra’iisul wasaare Xamse oo soo saaray baaq ku socda shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda Ciidul-adxaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga sugan yihiin.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Eebbe ka baryay inuu dhammaan ummada Muslimiinta ah ka aqbalo acmaasha wanaagsan ee soo guteen, sidoo kalena Alle acmaasha xajka ka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa hambalyo u diray ciidamada qalabka sida, oo uu sheegay in had iyo jeer ay u taagan yihiin difaacidda dalka iyo dadkaba.

“Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay ganacsatada, qurbo-joogta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inay caawiyaan danyarta, islamarkaana u gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.