Axmed Madoobe oo maanta booqday ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciidda awgeed ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciidda uu ula qeybsado ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka, kuwaas oo waajibaadka qaran saaran darteed aan farxada ciidda la qaadanaynin xaasaskooda iyo caruurtooda.

“Saraakiisha iyo ciidamada waxaa iiga muuqatay dhiiranaan iyo adkaysi badan, waxaan annaga iyo dowlada federaalka ah si wadajir ah uga shaqeyn doonnaa sidii loo billaabi lahaa howlgalo mideysan taas oo ah wadada kaliya ee argagixisada lagaga guulaysan karo” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeynayaan howlgalo mideysan oo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin, si culeyska looga dulqaado dadka shacabka ah.