Dib u dhac ku yimid heshiiskii ganacsi oo ay kala saxiixan lahaayeen Soomaaliya Iyo Kenya

Dib u dhac ayaa la sheegayaa inuu ku yimid heshiis dib loogu soo celinayo arrimaha ganacsiga u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan qaadkii Kenya ay keeni jireen gudaha dalka oo ay horey u joojisay dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wasiirka beeraha dowladda Kenya Peter Munya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib u dhac kooban uu ku yimid heshiiska dib u bilaabida qaadkii ay Kenya keeni jirtay Soomaaliya, balse tilmaamay in heshiiskaasi dhawaan la saxiixayo.

Wuxuu wasiirku tilmaamay in madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ee Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wada xiriireen, ayna dhawaan kulan yeelaan doonaan, si loo dhameeyo heshiiska dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay inuu beeraleyda qaadka u cadddeeyay in aysan niyad jebin, islamarkaana la saxiixi doono heshiiska dhoofinta qaadka, isagoona intaas kusii daray inay niyad wanaag ka qabtaan dib u furista suuqa Miirawga.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo shirka aan caadiga ahayn ee urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Nairobi, isagoona halkaas la filayey inuu kulan kula yeesho Madaxweyne Kenyatta, lana saxiixo heshiiska.

Si kastaba ha ahaatee, dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hakisay soo dejinta qaadka Mirowga bishii Maarso ee 2020, iyadoo sabab uga dhigaysa xannibaadaha COVID-19 ka hor inta aan la kordhin xayiraaddiisa August ee isla sanadkaas.