Al-shabaab oo beenisay war kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Al-shabaab ayaa si adag u beenisay war kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ahaa in ururka Al-shabaab ay maal-geliyaan kooxaha ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.

Bayaan kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “sharaf dhac” waxayna ku eedeeyeen madaxweynuhu inuu fulinayo siyaasad gumeysi oo looga faa’idaysanayo kheyraadka Soomaaliya.

“Siyaasad ku dhisan khiyaano iyo faafinta ula kac ah ee been abuurka ah kama caawin doonto Xasan Sheekh inuu sii hayo kursiga muddo dheer” Sidaas waxaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in lacagaha ay soo aruuriyaan Al-shabaab lagu maalgeliyo kooxaha Bokko Xaraam iyo Daacish ee ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhaqaalaha Al-shabaab loo adeegsado in lagu fuliyo qorshayaasha Alqaacida ay la leedahay Soomaaliya iyo dalal kale.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay inay Alshabaab leeyihiin awood aan looga adkaan karin dagaal kaliya, isaga oo sheegay in xilligaan uusan la galeyn wax wada xaajood ah.