Mareykanka oo qorsheynaya in Somaliland uu la yeesho iskaashi dhinaca amniga ah

Guddiga adeega hubka aqalka wakiilada dalka Mareykanka ayaa waaxda difaaca ee dalkaasi usoo jeedisay in la amba qaado xiriir amni oo ay yeeshaan Somaliland iyo Mareykanka.

Guddiga ayaa soo jeediyay in dowlada Mareykanka ay Somaliland la kaashato sugida amniga gobolka geeska Afrika, islamarkaana ay iskaashi kala yeelato iswaydaarsiga xogta sirdoonka, dhoolatusyo wadajir ah oo ay sameeyaan labada ciidan, howlgalada badaha oo ay wada fuliyaan iyo tababaro lasiiyo ciidanka Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay talaabada ay guddida adeegyada hubku qaaday, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington ay talaabadan xukuumada Somaliland ugu sacabo tuntay. .

“Somaliland waxay bogaadinaysa talaabada ay qaadeen guddiga adeega hubka ee wakiilada Mareykanka, si ay u horumariso iskaashi amaan oo xooga oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Somaliland iyo Mareykanka ayaa u muuqda mid u socda xaga wadajirka tan iyo markii bishii March uu madaxweyne Biixi safar ku tagay Washington, safarkaasi oo Maraykanka kaga doonayay iskaashi iyo saxiibtinimo.