Wafdi uu hoggaaminayo C/raxmaan C/shakuur oo gaaray magaalada Garoowe

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta oo khamiis ah gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo wafdigiisa oo u kuur geli doonna xaaladda abaaraha iyo nolosha danyarta ah oo ay abaaruhu saameeyeen ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay kullamo kala duwan la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ee magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xiisad ka taagan tahay socdaal ay magaalada Boosaaso ku tagtay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo gargaar u waday gobolka Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor-imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.