Golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in xilalkii laga qaado shan xildhibaan oo ka tirsanaa golaha, kaddib fadhi rasmi ah oo ay yeesheen xubnaha baarlamaanka.
Go’aanka ayaa waxaa taageeray 57 mudane, taasoo keentay in si rasmi ah loo meel mariyo qaadista xubinnimada iyo xasaanadda shanta xildhibaan, sida lagu shaaciyay gunaanadka kulanka Golaha Wakiillada.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari, C/llaahi Xirsi Cilmi, uu golaha u gudbiyay codsi uu ku dalbanayay in xasaanadda laga qaado xubnaha kala ah Saciid Maxamed, C/salaan C/llaahi Maxamed, Sadiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Shire, si loogu furo dacwadaha lagu soo oogay.
Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku taageeray codsiga Xeer Ilaaliyaha, waxaana shanta xildhibaan si rasmi ah looga qaaday xilalkii ay ka hayeen baarlamaanka.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii shanta xildhibaan ay hore ugu dhawaaqeen inay iska casileen xubinnimadoodii Golaha Wakiillada, iyagoo sheegay inay ku qanci waayeen habka maamulka loo hoggaaminayo iyo jihada siyaasadeed ee uu ku socdo.
Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista maanta ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulka Waqooyi Bari, iyadoo la filayo in tallaabooyinkan ay saameyn ku yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee maamulka iyo hannaanka sharci ee la xiriira xubnaha laga qaaday xilalka.