Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda federaalka Soomaaliya, C/salaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo Kalfadhiga 49-aad ee caadiga ah ee golaha fulinta Midowga Afrika, oo ay isugu imaanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka.
Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dbadda ee Itoobiya, iyadoo soo dhoweyntaasi ay muujinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulanka golaha fulinta Midowga Afrika ayaa lagu gorfeyn doonaa qodobo la xiriira nabadda iyo amniga qaaradda, dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoona kulankaan uu gogol u yahay go’aannada iyo talooyinka loo gudbinayo madaxda Afrika.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay shirka kusoo bandhigto mudnaanta ay siinayso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, maamulka iyo maareynta arrimaha badda, iyo dadaallada lagu adkeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, wasiir C/salaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa la filayaa inuu kulamo laba geesood ah la yeesho dhiggiisa dalal kala duwan, iyadoona kulamadaasi diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, la dagaallanka khataraha xuduudaha ka gudba, kor u qaadidda doorka Midowga Afrika ee ka hortagga colaadaha iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ayaa ka mid ah kulamada muhiimka ah ee ururka, iyadoo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah uga arrinsadaan siyaasadaha la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo iskaashiga qaaradda Afrika.