Ciidanka xoogga dalka oo howlgal culus ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee gobolka S/dhexe

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal culus ka fuliyay deegaanka Sumadaale oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo dowladda sheegtay inay fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay dowladda, howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimihii iyo godadkii ay kooxda Al-shabaab u adeegsaneysay gabaad ahaan, iyadoona ciidamada ay sidoo kale baaritaanno amni ka sameeyeen deegaanka si loo xaqiijiyo amniga iyo in laga saaro wax kasta oo khatar ku noqon kara shacabka iyo ciidamada.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamadu ay baacsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday goobta intii uu socday howlgalka. Dowladda ayaan weli shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la hadal hayo in degmada Cadale ay gaareen ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la filayo inuu madaxweynuhu gaaro degmada bisha Agoosto.

Si kastaba ha ahaatee, howlgallada ka socda gobolka Sh/dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojinayso amniga iyo la dagaallanka Al-shabaab, iyadoona ciidanka ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada iyo baacsiga kooxda Al-shabaab, si loo adkeeyo amniga deegaannada laga saaray.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal culus ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee gobolka S/dhexe