Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay soo jeedinta mucaaradka ee dhismaha gole ku-meel-gaar ah

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowladda fderaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta ay qaar ka mid ah mucaaradka ku baaqeen ee ah in la dhiso gole ku-meel-gaar ah oo dalka maamula inta laga soo dooranayo dowlad cusub.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo mucaaradku ay xor u yihiin inay soo bandhigaan aragtiyahooda, hase yeeshee wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay aragtiyo dhiirrigeliya horusocodka iyo ilaalinta dowladnimada.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku dooday in kooxaha ka soo horjeeda hannaanka doorashada qof iyo cod ay ku guuldareysteen doodihii siyaasadeed iyo aragtiyihii la xiriiray nidaamka doorashooyinka, isla markaana ay hadda ku baaqayaan in dalka dib loogu celiyo marxalado hore, isagoona xusay in lixdii dowladood ee ugu dambeysay, oo isugu jiray saddex ku-meel-gaar ah iyo saddex rasmi ah, dhammaantood ay ku yimaadeen nidaamka doorashooyinka dadban.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan u gudubtay hannaanka doorashada qof iyo cod, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, islamarkaana ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda isbeddelka inay diiddan yihiin rabitaanka shacabka, isagoo sheegay in baaqooda dib loogu noqonayo nidaamkii hore uusan ahayn aragti siyaasadeed oo dalka horumar u horseedaysa.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad cusub oo ku dhisan dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isagoo adkeeyay in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya uu go’aamin doono shacabka, isla markaana aysan jiri doonin dib ugu laabasho nidaamyadii hore.