Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Soomaaliya iyo gobolka, iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo taageerada Mareykanka ee la xiriirta dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta ciidanka qalabka sida Soomaaliyeed, xoojinta amniga iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Dhinaca kale, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson, ayaa isna dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana ay sii waddo xoojinta iskaashiga amni ee ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah.