Waxaa gelinkii dambe ee maanta lasoo xiray dhammaan goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee Galmudug, kaddib markii codbixintu saaka ka billaabatay ku dhowaad 300 oo goobood oo ku yaalla 11 degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, C/kariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu guud ahaan u dhacday si habsami leh, isla markaana goobaha codbixinta la xiray waqtigii loogu talagalay, isagoo xusay in qaar ka mid ah goobaha lagu kordhiyay muddada codbixinta si ay fursad ugu helaan muwaadiniintii weli safafka ku jiray markii waqtigii rasmiga ahaa uu dhammaaday.
Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay shacabka Galmudug, ciidamada amniga, ururrada siyaasadda iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabsoomidda doorashada, wuxuuna sidoo kale ka digay faafinta xogaha la xiriira doorashada ee aan si rasmi ah uga soo bixin guddiga, isagoo sheegay in guddigu uu baaritaan ku hayo falal lagu sheegay inay ka hor yimaadeen habraaca doorashada oo ka dhacay qaar ka mid ah goobaha codbixinta.
Xiritaanka goobaha codbixinta ayaa ka dhigan in doorashadu u gudubtay marxaladda tirinta iyo xaqiijinta codadka, iyadoo la filayo in guddiga doorashooyinka Galmudug uu si rasmi ah u shaaciyo natiijooyinka marka la soo gabagabeeyo tirinta codadka iyo hubinta habraacyada doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo hannaanka dimuqraadiyeynta, iyadoo ujeeddadu tahay ballaarinta ka qeybgalka shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka Galmudug.