Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeeshay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyagoo isla qaatay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, tababarrada ciidamada iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya dalalka gobolka si wax looga qabto caqabadaha amni ee jira.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan shir-madaxeedka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka qeyb qaata howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu wado inuu berri ka furmo magaalada Kampala.

Shirkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro taageerada amniga Soomaaliya, mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka ciidamada ku leh howlgalka.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dhismaha hay’adaha dowladda.