Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay xaaladda ka taagan deegaannada Puntland

Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay xaaladda ka taagan deegaannada Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay difaaca dowladnimada maamulka, xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay kala wadaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul ku dhisan hay’ado dowladeed, isla markaana aysan sax ahayn in lagu tilmaamo nidaam qabiil ku dhisan, isagoona xusay in maamulka Puntland uu ka dhashay is-afgarad iyo wadajir ay sameeyeen bulshada deggan deegaannada Puntland, taasoo saldhig u noqotay dhismaha dowladnimada.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ka digay in dib loogu laabto siyaasadda ku saleysan qabyaaladda ama ciidamada beelaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu aysan aqbali doonin isku day kasta oo wax u dhimaya hay’adaha ammaanka iyo dowladnimada Puntland.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan siyaasiyiin iyo kooxo uu sheegay inay weli ka biyo diidan yihiin natiijadii doorashadii madaxtinnimada Puntland ee qabsoontay, balse dowladda ay ku dhaqmi doonto sharciga iyo nidaamka dowladeed.

Ugu dambeyn, madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland uu sii wadi doono tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga, dowladnimada iyo midnimada bulshada, isagoo xusay in mudnaanta la siinayo ilaalinta xasilloonida iyo ka hortagga wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadallada madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin doodo la xiriira jihada siyaasadeed ee maamulka iyo xiriirka uu la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo maamulka uu ku celcelinayo inuu ka go’an yahay ilaalinta xasilloonida iyo ku dhaqanka sharciga.