Taliyaha AFRICOM oo caddeeyay in Mareykanku uusan wax qorshe ah u lahayn inuu aqoonsado Somaliland

Taliyaha AFRICOM oo caddeeyay in Mareykanku uusan wax qorshe ah u lahayn inuu aqoonsado Somaliland

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa si cad u sheegay in Mareykanku uusan wax qorshe ah u lahayn inuu aqoonsado Somaliland ama uu saldhig ciidan ka sameysto deegaannada ay maamusho, isagoo carrabka ku adkeeyay in uusan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Soomaaliya.

Jeneraal Anderson ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay weli ku dhisan tahay taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoona xusay in Mareykanku uu sii wadi doono inuu dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, wuxuu taliyaha AFRICOM tilmaamay in inkastoo ay jireen booqashooyin ay saraakiil Mareykan ah ku tageen Somaliland xilliyo kala duwan, haddana arrintaasi aysan ka dhignayn inuu jiro qorshe lagu aqoonsanayo Somaliland ama lagu dhisayo saldhig ciidan oo Mareykanku ku yeesho halkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in iskaashiga amni ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya uu sii socon doono, iyadoo mudnaanta la siinayo taageerada ciidamada Soomaaliyeed, tayeynta awoodda la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo xoojinta xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson ayaa kusoo beegmaya xilli ay muddooyinkii dambe soo baxayeen warar iyo mala-awaallo la xiriiray suurtagalnimada in Mareykanku dib u eego siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland.