Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Laascaanood kala qeyb galay shacabka iyo hoggaanka maamulka Waqooyi Bari munaasabadda lagu xusayay sanad-guurada koowaad ee aas-aaska maamulkaasi.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaare ku yaalla magaalada Laascaanood ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal shacab ah, madaxda maamulka Waqooyi Bari, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoona lagu soo bandhigay qorshayaasha horumarineed ee dowladda federaalka ka waddo deegaannada Waqooyi Bari.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay horumarka uu maamulka Waqooyi Bari sameeyay muddadii uu jiray, isagoo sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda maamulka iyo dardargelinta howlaha la xiriira amniga, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed.
Wuxuu hambalyo u diray shacabka Waqooyi Bari, isagoo ku ammaanay adkeysiga iyo doorka ay ku leeyihiin nabadda, midnimada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shacabka deegaannadaasi ay leeyihiin taariikh iyo door muhiim ah oo ku aaddan ilaalinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu baaqay maamulka iyo shacabka Waqooyi Bari inay xoojiyaan xiriirka walaaltinimo iyo daris-wanaagga ay la leeyihiin maamul-goboleedyada kale ee dalka, isla markaana ay ilaaliyaan wada noolaanshaha bulshada.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari lagu dhammeeyo wadahadal iyo hannaan nabadeed, iyadoo door muuqda ay ka qaadanayaan isimada dhaqanka iyo guddiyada nabadda.