Xisbiga Towfiiq ayaa shaaciyay inuu qaadacay natiijada doorashadii golaha deegaanka iyo golaha wakiillada Galmudug ee ay ku dhawaaqeen guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka, isagoo ku tilmaamay in geeddi-socodka doorashadu uusan u dhicin si hufan oo caddaalad ah.
Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga ayaa lagu sheegay in doorashadii qabsoontay 30-kii Luulyo 2026 aysan ka tarjumayn rabitaanka shacabka, isla markaana ay jireen, sida uu xisbigu sheegay, habraacyo iyo khaladaad wiiqaya kalsoonida lagu qabi karo natiijada rasmiga ah ee la shaaciyay.
Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay habkii loo maamulay doorashada, isagoo ku eedeeyay geeddi-socodka inay hareeyeen musuqmaasuq iyo wax isdaba marin dhaawacaya kalsoonida shacabka ee doorashooyinka qof iyo codka ah.
Xisbigu wuxuu ugu baaqay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo hay’adaha ay khusayso inay dib u eegaan habraaca doorashada, isla markaana ay saxaan khaladaadka jira si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, caddaalad ah oo daahfuran, taas oo ay ku wada kalsoonaan karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Ugu dambeyn, Xisbiga Towfiiq ayaa sheegay inuu sii wadi doono difaaca dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka, isagoo carrabka ku adkeeyay inuu garab taagan yahay rabitaanka shacabka Galmudug, isla markaana uu adeegsan doono waddooyinka sharciga ah ee uu ku raadinayo xuquuqdiisa.