Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay isimada dhaqanka Waqooyi Bari

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay isimada dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay isimada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray arrimaha dowlad-dhiska, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulankan uu qabsoomay maalintii labaad ee booqashadiisa Laascaanood, isagoo xusay in wada-hadallada uu la yeeshay isimada dhaqanka ay ahaayeen kuwo miro-dhal ah oo lagu falanqeeyay doorka hoggaanka dhaqanku ku leeyahay adkeynta nabadda iyo taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa si gaar ah u bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee isimada dhaqanku ka qaataan nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka bulshada, isagoo ku tilmaamay laf-dhabarta isku haynta iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda, dowlad-dhiska iyo xasilloonida dalka, isagoo ugu baaqay isimada dhaqanka inay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan ilaalinta wada noolaanshaha, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ka wado magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu kula kulmayo madaxda maamulka Waqooyi Bari, isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo dardargelinta dadaallada horumarinta iyo nabadeynta deegaannada.