Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah, ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa kulankii ugu horreeyay la yeelatay xubnaha guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee dhawaan la magacaabay.
Kulanka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa xubnaha guddigu qaab gacan taag ah ku doorteen hoggaanka cusub ee guddiga, waxaana guddoomiyaha guddiga loo doortay Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed, kaas oo hoggaamin doona howlaha diyaarinta iyo qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka ayaa kula dardaarantay guddoomiyaha cusub iyo xubnaha guddiga inay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan, caddaalad, hufnaan iyo daahfurnaan leh, si loo xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo.
Waxay sidoo kale ku boorrisay guddiga inay si wanaagsan u diyaariyaan hannaanka doorashada, isla markaana ay hubiyaan in geeddi-socodku u dhaco si waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista iyo howl-gelinta guddigaan cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dardargelinayo doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka, kaddib markii uu bannaanaaday xilkaasi, iyadoo natiijada doorashadan ay saameyn ku yeelan doonto hoggaanka iyo hannaanka shaqo ee golaha shacabka inta ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka.