Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo haatan safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa xalay waqti la qaatay shacabka magaalada, isagoo booqday goobo kala duwan oo ay ku sugnaayeen bulshada.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lug ku maray qaar ka mid ah goobaha ganacsiga, meelaha lagu caweeyo iyo waddada weyn ee magaalada dhex marta, halkaas oo uu kula kulmay ganacsato, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay goobihii uu marayay ra’iisul wasaaraha, iyagoo si diirran ugu soo dhaweeyay sacab, mashxarad iyo erayo soo dhoweyn ah, taas oo muujisay sida ay bulshada magaalada ula falgashay booqashadiisa.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehliyay xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), iyo mas’uuliyiin kale, halka warbaahinta dowladda iyo kuwa maxalliga ah ay si dhow ula socdeen.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay waqti la qaatay shacabka magaalada Laascaanood

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee ra’iisul wasaaraha uu ku joogo Laascaanood, kaas oo la xiriira xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari, iyo ka qeybgalka munaasabadaha xuska sanad-guuradda koowaad ee maamulka iyo howlaha horumarineed ee ka socda deegaanka.