Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay socdaalkii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tagay magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool.
War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in booqashada ra’iisul wasaare Xamse Cabdi loo arko mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka, iyo sidoo kale mid dhaawacayso madaxbannaanida iyo dhulka ay maamusho.
Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in socdaallada noocaan oo kale ah aysan wax ka tari doonin dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, balse ay keeni karaan caqabado hor leh oo dhinaca amniga ah iyo dib u dhac ku yimaada qorshayaasha lagu doonayo in lagu gaaro xasillooni waarta.
Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda ka jirta gobolka, isla markaana ay dowladda federaalka Soomaaliya ku booriyaan inay ka fogaato tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo sii kordhin kara xiisadaha siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Somaliland waxay sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida, hase yeeshee ay qaadi doonto tallaabooyinka ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta dhulka ay maamusho.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqasho shaqo ku joogo magaalada Laascaanood, halkaas oo uu kaga qeyb galayo munaasabado iyo kulamo la xiriira arrimaha maamulka, amniga iyo horumarinta deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya.