Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

Ra'iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka Waqooyi Bari, odayaasha dhaqanka, mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo boqollaal shacab ah.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad ee aas-aaska maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo sidoo kale xarigga ka jari doona talis cusub oo magaalada Laascaanood looga dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahadceliyay shacabka soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad ee maamulka Waqooyi Bari.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda maamulka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga wada hadlaan arrimo la xiriira amniga, maamulka iyo horumarinta deegaannada.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa la filayaa inuu dhagax-dhigo qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumo loogu adeego bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leedahay maamullada dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.