Wasiirka arrimaha dibadda oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Aljeeriya

Wasiirka arrimaha dibadda oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Aljeeriya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, C/salaam Cabdi Cali, ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Alim.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu wasiirku si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Danjiraha cusub, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Wasiirka arrimaha dibadda oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Aljeeriya

Wasiir C/salaam Cabdi Cali ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, waxbarashada iyo dhaqanka, si loo gaaro xiriir miro-dhal ah oo labada dhinac dan ugu jirto.

Danjire Maxamed Aalim oo u mahad celiyay wasiirka ayaa dhankiisa la filayaa inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal inta uu xilka haynayo, iyadoo Soomaaliya iyo Aljeeriya ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku saleysan iskaashi iyo is-taageerid dhinacyada kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibadda oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Aljeeriya

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirrada laba geesoodka ah.