Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamse oo ku wajahan magaalada Laascaanood

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Waqooyi Bari ayaa la geeyay waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada Laascaanood, si ay u sugaan amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha, oo la filayo inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaro talis cusub oo magaalada Laascaanood looga dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kaddib halkaas kulamo kula yeelan doona madaxda maamulka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga wada hadlaan arrimo la xiriira amniga, maamulka iyo horumarinta deegaannada.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda amniga ee maamulka Waqooyi Bari ayaa loogu baaqay shacabka magaalada Laascaanood inay si nabad ah uga qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga, isla markaana ay ilaaliyaan amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida magaalada.

Wasaaraddu waxay shacabka ku adkeysay inay u hoggaansamaan tilmaamaha hay’adaha amniga, la shaqeeyaan ciidamada ku sugan magaalada, ayna muujiyaan mas’uuliyad iyo wadajir si booqashadu ugu dhacdo jawi deggan, iyadoo laamaha ammaankuna ay mamnuuceen in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada inta uu wafdiga ra’iisul wasaaruhu ku sugan yahay Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sare u qaadday dadaallada ay ku xoojinayso joogitaankeeda iyo wada-shaqeynta ay la leedahay maamullada deegaannada, iyadoo safarka ra’iisul wasaarahana loo arko mid muhiim u ah xoojinta amniga, maamulka iyo xiriirka dowladda federaalka ay la leedahay deegaannada gobolka Sool.