Hoggaamiyaha Waqooyi Bari iyo guddoomiyaha SoDMA oo kulan ku yeeshay Laascaanood

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari iyo guddoomiyaha SoDMA oo kulan ku yeeshay Laascaanood

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa habeenkii xalay kulan la qaatay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda gargaarka bani’aadannimo ee laga fulinayo deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeeysa maamulka iyo hay’adda SoDMA, iyo kor u qaadidda dadaallada wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda howlaha gurmadka, loo dedejin lahaa hirgelinta mashaariicda socda, isla markaana gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa bulshada u baahan taageerada bani’aadannimo.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo maamullada deegaanka, si loo dardargeliyo gurmadka iyo hirgelinta mashaariicda wax looga qabanayo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Waqooyi Bari.