Beesha Caalamka oo fariin deg deg ah kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya

War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa fariin deg deg ah loogu diray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalinta berri dooranaya madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana xildhibaanada loogu baaqay inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan, si ay ku jirto danta, dalka iyo dadka.

“Waxaan ku boorinaynaa xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imaanayo siyaasadda iyo tayadda hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda” Sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xubnaha beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinta berri oo Axad ah lagu wado in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dalalka iyo ururada war-saxaafadeedkaan soo saaray ayaa kala ah sida hoos ku xusan:-

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.