Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dhacaysa iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Teendhada xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada xilka madaxweynaha 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku tartami doonaan musharrixiin gaaraya illaa 35 musharax.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana habeenkii xalay dhaqan galay Bandow ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo rogeen gebi ahaan magaalada, iyadoo la hakiyay dhammaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray magaalada.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban 329 xildhibaan ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay soo gaaraan Teendhada xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho, si ay u doortaan musharaxa hoggaamin doonna dalka afarta sano ee soo socota.

Dhinaca kale, guddiga doorashada dalka ayaa soo saaray habraaca amniga doorashada ee maanta dhaceeysa, waxayna sheegeen in gudaha howlka ay doorashada ka dhaceeyso aan lala geli karin telefoon, lacag iyo wax kasta oo electronic ah, waxaana musharax kasta loo ogolaaday inuu howlka lasoo gali karo illaa saddex qof oo kaliya.

Sidoo kale, goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah Beesha caalamka iyo diblomaasiyiin badan, waxaana doorashada maanta ku tartami doonna musharixiinta kala ah:-

1: Maxamed C/laahi Farmaajo

2: Sheekh Shariif Sheekh Axmed

3: Xasan Cali Kheyre

4:- Xasan Sheekh Maxamuud

5: C/raxmaan C/shakuur Warsame

6: Saciid C/laaih Maxamed (Deni)

7: Thaabit Cabdi Maxamed

8: Mukhtaar Maxamed Sayid

9: Mahad Axmed Diiriye

10: Cumar C/qaadir Axmed Fiqi

11: Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

12: Maxamuud Daahir Aweys

13: Xuseen Cabdi Nuunow

14: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

15: Ridwan Xersi Maxamed

16: Maxamed Amiin Faarax

17: Saciid Ciise Maxamuud

18: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

19: Cusmaan Xasan Weheliye

20: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

21: Cabdi Aadan Hoosow

22: Cabdi Cali Xassan

23: Cabdi Maxamed Kuusow

24: C/naasir Cabdulle Maxamed

25: C/nuur Sheekh Maxamed Maxamuud

26: C/raxmaan Macalin Axmed Maxamed (Ablaal)

27: C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi

28: C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

29: C/qaadir Cosoble Cali

30: C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi)

31: C/laahi Cali Axmed

32: C/laahi Cali Xasan

33: Abuukar Aadan Cabdulle

34: Bashir Xaaji Cali

35: Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan

Illaa 39 musharax ayaa hore isku diiwaan gelisay, balse illaa afar musharax ayaa doorashada isaga hartay.