Musharixiinta oo Muqdisho ka wada ololihii ugu adkaa iyo balan-qaadyo lacageed

Waxaa habeenkii xalay illaa saakay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka socda ololihii ugu adkaa islamarkaana ah kii ugu dambeeyay oo ay magaalada ka wadaan musharixiinta maanta ku tartamaysa doorashada Madaxweynaha 10-aad ee hoggaamin doonna afarta sano soo socoto.

Musharaxiinta ku tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeelanaya xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyagoo balan-qaadyo lacageed bixinayay.

Sidoo kale, musharaxiinta qaarkood ayaa la sheegayaa in ololaha doorashada ay ku bixinayaan lacago farabadan oo la siinayo xildhibaanada, halka qaarka kalena ay ballan-qaadyo lacageed u sameynayeen xildhibaanada, iyadoona xildhibaanada lagu arkayay guryaha musharaxiinta iyo xarumaha kale ay ololaha ugu adag ka socdaan.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 329 xildhibaan ayaa maanta u coddeyn doonna musharaxiinta ku tartamaysa xilka madaxweynaha, islamarkaana ku dooran doonna musharixii dalka hoggaamin doonna afarta sanno ee socota.

Musharaxiinta ugu cad-cad ololaha doorashada islamarkaana loo saadaalinayo inay Isla gaarayaan illaa wareega seddaxaad ayaa kala ah:-

1- Maxamed C/laahi Farmaajo

2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed

3- Xasan Cali Kheyre

Dhinaca kale, musharixiinta kale ee iyagane ku harrı doonno wareega labaad ayaa waxay kala yihiin:-

1- Xasan Sheekh Maxamuud

2- Saciid C/laahi Maxamed Deni

3- C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Seddaxdaan musharax ee wareega labaad ku harri doonta ayaa la filayaa inay codadkooda kala siin doonaan musharixiinta kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka dagaalamaya in markale uusan soo bixin musharax madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo

Si kastaba ha aahatee, ammaanka guud Teendhada xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana amniga lagu wareejiyay ciidanka ATMIS oo kaashanaya kuwa booliska dowladda Soomaaliya oo ku shaqeyn doonna amarada guddiga doorashada iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.