Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uusan saameyn ku yeelan doonin khilaafaadka siyaasadeed ee hadda jira, isagoo dhaliilay siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan xiriirka labada dal.
Faroole ayaa arrimahaan kaga hadlay war-saxaafadeed uu soo saaray 22-kii Nofeembar 2026, kaas oo uu diiradda ku saaray xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka iyo muranka la xiriira muddo-xileedka dowladda federaalka.
Senator Faroole ayaa dhaliilay xil-ka-qaadistii guddoomiyihii maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, isagoo sheegay in go’aankii maxkamadda ee 5-tii Nofeembar 2026 uu caddeeyay dhammaadka muddo-xileedka dowladda federaalka, isla markaana uu dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay 30 maalmood gudahood heshiis ka gaaraan hannaanka doorashada, si doorashada loogu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Senator Faroole ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijku leeyihiin xiriir taariikhi ah oo ku dhisan ganacsi iyo dhaqan, kaas oo soo jiray ka hor xornimadii 1960-kii, isagoo tusaale u soo qaatay dekedda Boosaaso oo taariikh ahaan loo yaqaanay Bender Qaasim.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay xiriirro taariikhi ah oo dhexmaray ganacsatada Soomaaliyeed iyo qoysaskii xukumi jiray Sharjah iyo Ras Al Khaimah, isagoo sheegay in xiriirkaas ganacsi iyo bulsho uu sii jiray xitaa kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Sidoo kale, Senator Faroole ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu qayb ka ahaa khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo soo hadal qaaday murankii dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee bishii Diseembar 2024, iyo siyaasadda uu ku tilmaamay go’doominta Somaliland.
Faroole ayaa sidoo kale dowladda federaalka ku dhaliilay inay dayacday xuquuqda dastuuriga ah ee dowlad-goboleedyada, gaar ahaan xaqa wadatashiga iyo ka-qaybgalka go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah ee 2012-kii.
Ugu dambeyn, Senator Faroole ayaa ku adkeystay in xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Khaliijku uu sii jiri doono, iyadoo aan loo eegin cidda hoggaanka dowladda federaalka haysa, islamarkaana sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee hadda jira aysan meesha ka saari karin xiriirrada taariikheed, ganacsi iyo bulsho ee muddada dheer ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo dalalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka Faroole ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya ka jiraan muranno siyaasadeed oo ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda, hannaanka doorashooyinka, awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka Carabta.