Madaxweyne Deni oo maanta dib ugu laabtay Garoowe kana hadlay khilaafka isaga iyo ku-xigeenkiisa

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib safar muddo todobaadyo ah qaatay uu kaga maqnaa deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, qaar kamid ah xubnaha labada golle ee Puntland, saraakiisha ciidan iyo qeybaha kale ee bulshada halkaasi, waxaana markii dambe la geeyay xarunta madaxtooyadda ee maamulkaas.

Madaxweyne Deni oo soo dhaweyntiisa kadib la hadlay saxaafadda ayaa u mahad-celiyay dhammaan mas’uuliyiintii soo dhaweyntiisa ka qeyb gashay, isagoona dhinaca kale soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacday magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Puntland ku faraxsan tahay natiijaddii kasoo baxday doorashadaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Saciid Deni ayaa si dadban uga hadlay khilaafka kala dhaxeeyay ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

“Xilli kasto oo ay doorasho dhacdo dadku way is-qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaanay waa inaynu arrinkaasi hore uga soconaa, laisna cafiyaa, dibna aan loo eegin wixii dhacay” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Deni.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa la sheegayaa inuu wado qorshe ah inuu isbedelo ku sameeyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa.