Ra’iisul wasaare Rooble oo xariga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta ciidanka booliska

Ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta ciidanka booliska Soomaaliyeed oo qaab casri ah loo dhisay.

Caruurta agoonta ah oo ay ka dhinteen askarta ciidankii booliska Soomaaliyeed ayaa hore wax ugu baran jiray dhisme ka sameeysan jiinkad oo waxyeelo u geysanayay xilliyada kuleylaha.

Ra’iisul wasaare Rooble oo 24-kii bisha Janaayo ee sanadkii hore booqasho ku tagay xaruntaasi agoonta ayaa si weyn uga damqaday goobta ay caruurtaasi wax ku baranayeen, wuxuuna xilligaasi amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta qaranka naftooda u huray.