Rooble oo magacaabay guddi ka shaqeeya amniga xafladda caleemo saarka madaxweynaha

Ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya amniga munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in 9-ka bisha June lagu qabto magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo ka kooban illaa 7 xubnood ayaa isugu jira wasiiro iyo taliyeyaal ciidan, waxaana guddigaasi guddoominaya wasiirka amniga Qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed Nuur.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa xubnaha guddiga lagu faray inay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo islamarkaana ay adkeeyaan amniga guud dalka, gaar ahaan amniga munaasabadda xilliga caleemo saarka ee madaxweynaha Soomaaliya.