Sheekh Xasan Alwaajidi oo si faah-faahsan uga hadlay xarigii loogu geystay dalka Kenya

Sheekh Xasan Alwaajidi oo si faah-faahsan uga hadlay xarigii loogu geystay dalka Kenya

Sheekh Xasan Alwaajidi oo ah qaari caan ku ah akhrinta qur’aanka kariimka ah ayaa faah-faahin ka bixiyay xarig sagaal maalmood ah oo uu ku jiray dalka Kenya, kaddib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, xilli uu qorsheynayay inuu safar ugu ambabaxo magaalada Muqdisho.

Sheekha oo markii ugu horreysay muuqaal uu ku baahiyay bartiisa Facebook kaga hadlay dhacdada ayaa sheegay in muddadii uu xabsiga ku jiray uusan la kulmin dhibaato, isla markaana si wanaagsan loola dhaqmay, isagoona xusay in baaritaanno ay sameeyeen hay’adaha amniga Kenya ay ugu dambeyn u caddeeyeen inaysan wax dambi ah ku heysan.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan wax lug ah ku lahayn xariggiisa, balse uu ku eedeeyay shaqsiyaad Soomaali ah inay ka dambeeyeen, isagoo xusay in mas’uuliyiinta Kenya ay xaqiijiyeen inaysan jirin dacwad amni oo isaga ka dhan ah, taas beddelkeedana uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loola dhaqmay intii uu xirnaa.

Dhinaca kale, Sheekh Xasan ayaa beeniyay warar la faafiyay intii uu xirnaa, kuwaas oo sheegayay in xariggiisa uu la xiriiro hadal uu ka sheegay carruurta iyo in aan gaalada loo geynin, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, isla markaana sheegay inuu cafiyay shaqsiyaadka Soomaalida ah ee uu ku tuhunsan yahay inay arrintaas ku lug lahaayeen, inkastoo uusan shaacin magacyadooda.

Ugu dambeyn, Sheekh Xasan ayaa sheegay inuu muddadii uu xabsiga ku jiray ogaaday in dad Soomaali ah ay lacag ku bixiyeen sidii dalka Kenya looga saari lahaa, balse uu dadkaasna cafiyay, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin cidda ay yihiin ama sida ay arrintaasi u dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa dhalisay hadal-hayn weyn oo la xiriirta xarigga Sheekh Xasan Alwaajidi iyo eedeymaha uu u jeediyay shaqsiyaad Soomaali ah, kuwaas oo uu ku sheegay inay ka dambeeyeen tallaabadii lagu xiray, halka uu dowladda Kenya ka fogeeyay mas’uuliyadda arrintaas.