Taliye Shub oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ku yaalla degmada Dooloow

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya, S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub)

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya, S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii dhawaan lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Taliye Shub ayaa sheegay in gurigiisa lagu weeraray diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, isagoo beeniyay war hore oo dowladda federaalka ku sheegtay in dhacdadu la xiriirtay walxaha qarxa oo lagu farsameynayay gudaha guriga.

Waxa uu sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn farsamaynta qaraxyada, sidoo kalena wuxuu ku eedeeyay darawalkiisii xilligaas inuu door ku lahaa hagidda duqeynta, balse uusan soo bandhigin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaya arrintaas.

Dhinaca kale, Taliye Shub ayaa dhaliil u jeediyay dowladda federaalka, gaar ahaan sida ay u maareysay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo dagaalladii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dowladda federaalka ayaa hore u beenisay inay ku lug lahayd weerarka Doolow, iyadoo weli aanay jirin xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa cidda fulisay duqeynta, nooca diyaaradda la adeegsaday iyo cidda bixisay amarka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Taliye Shub ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan eedeymo iska soo horjeeda oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka Dooloow iyo sababta loo bartilmaameedsaday gurigiisa.