Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ku soo qabteen xashiish, khamri iyo maandooriyaal kale oo si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyay degmada.
Howlgalka ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga degmada iyo la dagaallanka kooxaha ka ganacsada maandooriyaasha, kuwaas oo mas’uuliyiintu sheegeen inay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida bulshada.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wanlaweyn, Ismaaciil Rooble Cali, iyo taliye ku-xigeenka ciidanka booliska, C/risaaq Barre Maxamed, oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu ciribtirayo ka ganacsiga maandooriyaasha.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xogta ku saabsan dadka ku lugta leh ka ganacsiga maandooriyaasha iyo falalka amni-darrada.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada Wanlaweyn iyo wax ka qabashada waxyaabaha saameyn ku yeelan kara bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.