Meydka madaxweynihii ugu horreeyay maamulka Hirshabeelle, Alle ha u naxariistee Cali C/laahi Cosoble, ayaa maanta lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu dhawaan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa meydka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale ka qeybgalay munaasabadda iyo tukashada salaadda janaasada.
Meydka marxuumka ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho loogu sameeyo aas qaran, kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, hoggaanka Hirshabeelle, siyaasiyiin, ehelada marxuumka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee Cali C/laahi Cosoble ayaa taariikhda siyaasadda Soomaaliya kaga jiray kaalinta hoggaamiyihii ugu horreeyay ee maamulka Hirshabeelle, isagoo xilka madaxweynenimo qabtay xilligii la dhisayay maamulkaas.
Si kastaba ha ahaatee, marxuumka ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa hoggaaminta maamulka Hirshabeelle iyo marxaladihii siyaasadeed ee uu maamulkaasi soo maray, waxaana Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa siiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tagay.