Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlayay xaaladda amniga deegaannada maamulka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, dardargelinta howlaha nabadgelyada iyo adkeynta xasilloonida guud ee deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed, guddoomiyaha gobolka Baay, guddoomiyaha degmada Baydhabo iyo saraakiil ka socotay laamaha kala duwan ee ciidamada amniga, iyadoona mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeyb gashay ay warbixinno ka dhageysteen hay’adaha amniga, kuwaas oo uga warbixiyay xaaladda amni, howlgalada socda iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda nabadda.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay guulaha laga gaaray sugidda amniga, caqabadaha wali jira iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo kordhiyo wada-shaqeynta u dhaxeeysa ciidamada, maamulka iyo bulshada, islamarkaana xoogga la saaro muhiimadda isdhaafsiga xogaha amniga iyo dardargelinta howlgalada lagu ilaalinayo xasilloonida deegaannada maamulka.
Ugu dambeyn, hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka ciidamada amniga iyo shacabka ee ku aaddan sugidda nabadda, isagoo sheegay in amniga uu yahay saldhigga horumarka, maalgashiga iyo gaarsiinta adeegyada bulshada, islamarkaana faray hay’adaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu kordhinayo dadaallada lagu sugayo amniga magaalooyinka iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo maamulka uu mudnaanta siinayo xoojinta howlgalada amniga iyo iskaashiga bulshada si looga hortago falalka wax u dhimaya xasilloonida iyo kala dambeynta.